Falsafadda Siyaasadda…Axmed Siddiiq.
3 min readWaxa qoray A.Tijaani, waxana turjumay Axmad siddiiq.
Waxa aynu ku qeexi karnaa falsafadda siyaasadda si fudud; in ay tahay laan ka mid ah falsafadda aqoonta\garashada taas oo ku gaar ah arrimaha siyaasadda.Amaba sida uu ku qeexayo George Sabine; waxa ay koobsnaysaa fikrad kasta oo ay falaasifadu kasoo gudbiso bulshada rayidka ah, magacanna ay ku tilmaamaan[1].
Hase ahaatee qeexitaankani ma caddaanayo illaa aynu u labaanno joogtadii lagu alkumay iyo magaaladdii Asiina. badhtamihii qarnigi afraad ee Ciise- ka-hor (C-K).Halkaasi oo uu ahaa ereyga siyaasad mid laga soo dheegtay kalmadda POLITIKINE ee giriiga ah macnaheedduna yahay (aqoonta arrimaha dawladda)[2].
Waqtigaasi waxa uu ku caan baxay soo if-baxa labada dhigane ee muhiimka ah (jamhuuriya) iyo (qawaaniin) ee Aflaadoon qoray iyo dhiganaha (siyaasadda) ee Arosto. dhammaanna waxa ay ahmiyada saareen arrimaha dawladnimada Iyo ujeeddooyinkeeda, qaababka loo nidaamiyo bulsho iyo noocyada ismaamullada kala gaddisan.
Dhammaanna waxa ay la xidheedheen, kana dhaqaaqayeen waydiimihii xeesha dheeraa ee suqraad is waydiiyay ee ahaa: waa maxay samaantu ama xumaantu marka arrimaha siyaasadda la joogo.
Iyada oo laga dhaqaaqyo arrinkaa falsadda siyaaaddu waxa ay noqotay laanta lagu garto laguna diraaseeyo; dhidibada, xeerarka, aragtiyaha iyo ujeeddadooyinka ay tahay in siyaasigu ilaaliyo, taas oo ka gaddisan kana soo horjeedda cilmiga loo yaqaan “aqoonta siyaasadda” maxaa yeelay isagu waxa uu ka hadlaa oo kaliya joogtada siyaasaddu qaabka ay tahay iyo xaqiiqooyinka ku gedaaman, wax xidhiidh ahna lama laha qaabka mudan in ay noqdaan siyaasadda iyo siyaasiguba.
sidaa darteed waxa aynu dareemaynaa in ay jirto derisnimo/jaarnimo u dhaxaysa falsafadda siyaasadda iyo cilmiga siyaasadda. ee aanay isku mid ahayn.
haddii aynu ka fiirinno dhinaca manhajka waxaa u dhexeeya kala duwanaansho ballaadhan, maxaa yeelay falsafadda siyaasaddu waxa ay la gooni tahay waydiimaha mabaadi’da iyo ujeeddooyinka. gaar ahaan mabaadi’da bulsho ee siyaasadeed iyo ujeeddooyinkiisa.
Tusaale ahaan falsafadda aqoontu waxa ay diiradda saartaa soo if-bixista samaysanka bulsho-siyaasadeed, iyo sida ugu habboon ee mudan in loo maareeyo xidhiidhka bulsho (arrimaha dawladda) si loo gaadho loogana dhabeeyo ujeeddooyinkaa.
Sidoo kale falsafadda siyaasaddu waxa ay muhiimadda siisaa caddaynta iyo qeexidda madhaafaanka aasaasiga ah ee mudan in dawladdu ka shaqayso sidii ay u gaadhi lahayd. qofkuna uu si dhab ah uga dhabeyn lahaa si uu u noqdo muwaadin wanaagsan dawalada dhexdeeda.
Sidaa darteed Waxaa dabiici ah in arrinkani ku keenay faylasuufyadii siyaasadda in ay baadhaan xidhiidhka u dhexeeya siyaasadda iyo akhlaaqda, sidoo kale diinta iyo siyaasadda.dhammanna waxa ay tilmaamaysaa in waydiimahan falaasifada siyaasaddu yihiin kuwa qiyam/madhaafaan ah.
haddaba, Waa maxay raadraaca ama meesha masdarka ah ee loo laabanayo ee sharcinnimada siinaya nidaamka siyaasadeed? Ma raalli ahaanshaha bulshaa mise waa awoodda ciidan ama dhaqaale?
Si loo diraaseeyo aarrimahaa iyada oo la raacayo hab manhaji ah oo ku habboon waxa ay aqoonyahannada ku xeesha dheer cilmigani ay u qaybiyaan afar sooyaal oo oo muhiim ah.
Waxaana aynu ku tilmaami karnaa sidan:
1: bilawgii hore ee falsafada siyaasadda (ancient political philoshophy) waxaana la tilmaamaa folaadkii hore iyo inta ugu muhiimsan afkaartoodii. waxaana loo qaybiyaa saddex qaybood: falsafadda siyaasadeed ee giriiga\ falsafada siyaasdeed ee shiinaha (gaar ahaan koonfuushiyoos 189-373 C.K). Iyo falsafadda siyaasadeed ee hindida (gaar ahaan shaanakaayaa\ chanakya 183-350 C.K).
1: falsafadda siyaasadeed ee waayadii dhexe (waxaa lagu diraaseeyaa afkaartii Cicero, Augustinus, Thomas Aquinas)
3: falsafadda siyaasadeed ee cusub (waxaana lagu diraaseeeyaa wax soosaarkii: Machiavelli, Thomas Hobbes, john locke, Thomas Hobbes.)
4: falsafadda siyaasadeed ee waqtigan (waxaana xooga la saaraa madaahibta falsafadeed sida:
Mad-habka muxaafidka ah, mad-habka laybaraaliga ah labadiisa waaxood Kalaasiikiga ama hore (binthaam, james miyl) iyo kiisa cusub. Sidoo kale mad-habka Maarkisiga.
Waxaa qaybintan ka muuqda in gabi ahaanba laga tagay falsafadihii aan reer galbeedka ahayn.Sida falsafaddii; hindida, shiinaha iyo islaamka. Waxaa se ay tilmaamaan hindida iyo shiinaha marka ay ka hadlayaan bilawga hore oo kali ah.
Hase ahaatee gabi ahaanba falsafadda islaamka waxa kaliya ee ay tilmaamaan marka ay ka hadlayaan sharraxaadihii ay falaasifada muslimka ahi saareen wax-soosaarkii iristo (gaar ahaan sharraxa faaraabi) amaba marka laga hadlayo saamaynta fikirka islaamku ku lahaa qaddiis ogostiin iyo toma ikwiini (gaar ahaan fikirka ibn rushdi).
La soco qaybaha danbe……
[1] : George Sabine, op. cit, p.2
غوش، الفلسفة السياسية في العهد السقراطي، بيروت: دار الساقي، 2008، ص 6 ريمون:[2]