Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Saamaynta Ibnu khalduun ee dunida reer galbeedka, iyo mooganaantii muslimka. – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Saamaynta Ibnu khalduun ee dunida reer galbeedka, iyo mooganaantii muslimka.

5 min read

Dhinacyada saamaynta ibnu khalduun ee Maangalinmada ah, baraarugga reer Galbeedka, iyo Carabta uu ka qarsoonaa.

            Ibnu Khalduun, Maaha mid dhayal ah in lagu naanayso Monteskiyihii Carabta, laga bilaabo markii fikradihiisii lala dhacay qarnigii 17-aad,ee bilowgii dhanka Cusmaaniyiinta iyo reer-galbeedka ka timid, ayna gar-waaqsadeen dhaxalkiisii lama dhaafaanka ahaa, inta aan dunida muslinka laga danayn qoraallada Ibnu khalduun, waxay u banbaxeen danaynta baadhisyihiisii, iyo aqoonta ku jirta buugtiisa hirgalay sida midka “Al cibar” ee taariikhda bulshooyin badan iyo aqoonno kala duwan xambaarsanaa.

Gaar ahaanta buuggani,wuxuu muujiyay dhinacyada ibnu khalduun iyo aqoontiisa Bulsho ee mugga weyn, laguna tilmaamayay taariikhyhanka u weyn ee loo noqon karo xilliyadii qarnigii 13-aad,dhulweynaha waqooyiga afrika iyo carabta kalaba, taas oo ballaadhisay  aqoontii loo lahaa cilmiga taariikhda, waji kalena u yeeshay xilliyadan hore ee aan la gu baraarugsanayn, isaga oo sameeyay bud-dhig ku dhisan tiirar iyo xeerar loo qoro taariikhda, gaar ahaan markii loo adeegsanayo ka cilmi-bulsho ahaan, gaar ahaan dunida muslimka.

Iyada oo sidan tahay, waxa uu Ibnu-khalduun u muuqdaa marka la joogo dhiganayaasha reer galbeedka,mid isugu jirta mar ay ka dayriyaan, iyo mar danaynta raadkiisii aanay  iska indho tiri karin, taas oo u caddaatay lahaanshiyihiisa aqoon u bisil dhinacyada siyaasadda dawladnimada ee uu dhinaca garsoorka kaga jiray, ama dhiganayaashiisa taariikheed, taas oo keentay soo if-bixistiisa, ilaa laga soo gaadhay markii uu ka digarogtay siyaasadda ee uu u baydhay in uu ku hadhay dadaalladiisii dhinaca Diinta, kadib dhacdadii geerida qoyskiisa.

Dhacdadan ka sakow in ibnu khalduun ku gaabsaday in uu cibaado u jeedsado, waxa uu bilaabay dhiganayaal aqoonta taariikhda ah , taas oo keentay in  qoraalladiisa ay taariikhyahannada islaamku ee xiiligaasi ay la dhaygageen, keentayna muranno badan xilliyadii ka danbaysay oo dhan, iyada oo la arkayo xeeldheeridiisa ku dhigan qoraalladiisa, balse danaynta ugu weyn ee maanta loo hayo Ibnu khalduun, ma aha kaliya dadaaladiisii garsoorka ama siyaasiga ahaa, ee ay tahay nin aqoonno badan koobsaday, noqdayna ballaysimaha koobaad aqoonta bulsho ee uu ku caanbaxay.

Ibnu Khalduun iyo Fanka

Danaynta dhinacyada fanka iyo Masrxaa ee ibnu khalduun aad uma qaban indhaha badanka masraxlayda carbeed iyo kuwa ajnabiga ahba, mid sheeko-faneed lagu cabiray ama barnaamijyo laga qabtayna aanay badnayn, sida laga yeelay aqoonyahannada kale sida  Ibnu-Siina, Ibnu-Rushdi,Ibnu-Carabi iyo kuwo kaleba. Taas oo ay si weyn diiradda loogu saaray weynaanta fikradahii ay soo bandhigeen,taas oo lagu dhisay  waaqica carbeed iyo midka islaamiga ah ee kala daadsanaa oo ay ka soo dhex mudheen aqooynahannadani.

Marka la ga reebo sheeko faneedda oo noqotay suugaanta kaliya ee ibnu khalduun lagu dhigay mahadhadiisa fikradeed, oo tusaale loo soo qaadan karo midda “Al-callaama” ee uu qoray Binsaalim,mufakirka Maqribiga ah. Kaas oo si wacan ugu xusay dhinacyada xeeldheerida leh ee ay taabatay dadaallada ibnu khalduun. Sheeko-faneeddan waxa uu qoraagu kaga hadlay arrimo aan hore looga xusin fikirka ibnu khalduun ee baadhisaha galay.

Danayntii reer Galbeedka ee Ibnu Khalduun

Mudnaanta ibnu khaldun iyo miisaanka uu ku leeyahay dhanka qoraallada Galbeedka,  “ ibnu khalduun waxa magiciisa dib u soo nooleeyay qoraayada reer galbeedka, kadib 4 qarni oo laga hilmaansanaa dunida muslimka iyo carabtaba” waxa sidan yidhi Khaalid Siyaada oo ah taariikhyahan labnaani ah, sidoo kale Ibnu khalduun dhanka Carabta iyo muslinkaba hore looguma baraarugin mudnaantiisa, iyada oo loo tiriyo Ibnu khalduun aragtida la baxday “hanaqaadka iyo hoos-u-noqoshada dawladnimada”. Kadib intaas oo dhanna ay qireen baadhayaasha reer galbeedku in uu yahay ballaysimaha cilmiga bulshada.

Muddadaas dheer ka dib, taariikhyahannada Carbeed ama muslinka ee ka danbeeyay way hilmaameen raadkiisii aqooneed, marka laga tago qaarkood sida Taqiyudiin Maqriisi, kaas oo qoraalladiisa ku soo qaatay aragtidihiisa sida “dulmiga in uu yahay bilowga burburka bulsho” ee Ibnu-khalduun leeyahay, iyo in sababaha gaajadu aanay ahayn wax iska yimid ee ay tahay wax la ga dhaxlay talo-xumo bulsheed” Ibnu Khalduun.

Soo-tabinta Sooyaalka iyo xeerarka dhigaalka Taariikhda.

Ibnu khalduun Tabtan soo tabinta taariikhda markii uu maray, iyo qaabaynta taariikhda dhigan, iyada loo kala saarayo sida ay isu leedahay, lana raacinayo tixraacyo, markan ayaa ay bulshadiisu ku baraarugtay kaalinta Ibnu-khalduun ee fog.

Qaab tabintii hore ee taariikhda badanaa ee lagu tilmaami karo in uu horumariyay iyo in uu wax ka badalay qaabkii tabinta taariikhda ee kutiri-ku-teen-ka u dhignayd badanka, iyada oon loo fiiro yeellan jirin ilaha laga soo xigan jiray tabinta taariikhdaas, taas oo ahayd badanka sheeko-xariiro ururtay ama warar la soo qoray oo hubsiimadooda ay laga maarmaan ahayd.

Iyada oo ay jirtay dadaallo ka horeeyay Ibnu khaldun sida kitaabka Al-dabari ee “Sooyaalka ummadaha iyo boqorrada” taas oo lagu tirin karo dhiganayaasha ugu horreeyay ee taariikh habaysan lagu qoray, Taas oo uu imaam Al-dabari u adeegsaday kala shaandhaynta wararka la soo tabinayo ee Taariikh dhigan ku danbeynaysa, taas oo uu Al-dabari ku amaanan yahay sida uu u kala dhigay una kala hufay taariikhda ku salaysnayd tabinta wararka is biirsaday ee la qori jiray.

Kala soocista tabinta Diiniga ah iyo midda bulshooyinka.

Iyada oo uu ibnu khalduun ku tiirsanaa ka dab-qaadashada dadaalladii Al-dabari ee dhigaalka taariikhda, isaga oo haddana meelaha qaar ku dhaliilsanaa, waxa ay aragtidiisani ku dhisnayd kuwo Caqlaani ama maangal ahaa. Isaga oo Ibnu khalduun ku dhiirraday in la kala sooco taariikhda Diinta la xidhiidha iyo midda taariikhda bulshooyinka ka hadlaysa sida ta Carabta oo kale. Isaga oo cilmiga Taariikda ku dhiirraday in uu ku tilmaamao aqoon gaarkeeda bannaan u istaagi karta.

Isla Sida tan ayuu Ibnu khalduun wuxuu ku sheegayaa buuggiisa Hordhaca “muqadimatu Ibnu Khalduun”, in aqoonta kala hufidda ee loo adeegsan jirey kala shaandhaynta wariyaasha Xadiiska Nabiga NNKH soo wariyay, ay tahay midka loo noqonayo marka la hubinayo warinta Sharciga ah, iyo kala saarista wariyaashaas, isaga oo cuskanaya cilmiga lagu kala saaro ragga xadiiska tabinaya iyo kalsoonida lagu qabo warkooda, waxana uu ibnu khalduun muujiyay in  ay taas ka sii mudan tahay suurtagalnimada tabintaasi in ay maaangal tahay iyo in ay dhici karto, taas oo ka mudnaan weyn hubsiimada cidda soo tabisay warkaa kalsoonida lagu qabo.

Tani waa aragtida uu Ibnu khalduun horseeday, taas oo keentay kacdoon abaabulan, isaga oo ku suntan taariikhyanka ugu maangalsan ee xilliyadii dhexe, isaga oo ka soo dhex mudhay qaabka gaboobay ee wax loo qori jiray, gaar ahaan taariikhda Carabta. Isaga oo ka shaqeysiiyay xeerarka cilmiga bulshada ee uu ballaysimay, iyo tusmooyinka loo adeegsado hubsashada warka taariikhaysan. Ugu danbayn raadka Ibnu khalduun waxa uu ka muuqdaa qoraayadii iyo taariikhyahannadii Cusmaaniyiinta, kuwaas oo u adeegsaday dib u dhiska dawladnimada, iyo darsida arrimaha keena dib-u-dhaca iyo kor-u-kaca ee ku timaadday tiirarka dawladnimadii Cusmaaniyiinta ee gabaabsiga u janjeedhsatay qarniyadii 17-aad ilaa dhammaadkii qarnigii 19-aad.

W/T: Cabdicasiis odowaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *