Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Aragtida Tawxiidiga ee Kawnka. W/Q Axmed Siddiiq – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Aragtida Tawxiidiga ee Kawnka. W/Q Axmed Siddiiq

2 min read

Waxaa jira odhaah caana oo dadku badanka isku waafaqsanyihiin,  oo dhahaysa;  in aanay marnaba diinta islaamka iyo cilmiga saynisku iska hor iman,  caqliga iyo sharciguna is diidin. 

Waa dood kale cilmigi iyo diintu isku majaal ma ka shaqeeyaan,  se diintu way ka ballaadhantay in lagusoo koobo majaal kaliya,

Majaal walba oo nolosha ka mid ahna way toosinaysaa, haba kala duwanaado qaabka ay ula fal galayso mid walbee.

Waxaa jira aduunka laba kitaab oo Alle ugu talo galay in uu bani’aadanka xaqa iyo xaqiiqada baadhaya uu kaga haqab baxo harraadka jahliga iyo dhalanteedkiisa,  waxa ay yihiin  kuwa ku hagaya jiritaanka dhabta ah iyo garashada eebbe,  waa hadii uu si dhab ah ubaadhee, Labada kitaab  waxay jawaabo waafi ah  ka bixinayaan; jiritaanka iyo dhammaan su’aalaha xidhiidhka la leh, qaab nololeedka saxda ah,  iyo dariiqa suubban ee badabaadinaya adduunka.

1:qur’aanku waa kitaabka koobaad, waa hadalkii eebbe,  waa mid aaney goob iyo goor midna qaban,  meel walba iyo ammin walbana hagaajinaya,  maaha kitaab taariikhdu xayndaab gooreed marnaba ku sunti  karto,  waxa uu yahay,  mid ku hagaajinaya dadka wax walba tiisa toosan,  (أقوم), dhammaan qaybaha  nolosha  oo dhan iyo waxa nolosha ka dambeeyaba.

2: kitaabka labaad waa kawnkan/aduunka aynu ku uumannahay,  qaab samaysankiisa, siraha ku duugan, iyo kuwa kor saraan waxa ay mudanyihiin dhugasho iyo u fiirsi , Alle waxa uu sheegayaa in qofkii si dhab ah u daba gala oo ubaadha ugu dambayn uu gaadhayo natiijo ah ( سبحانك ربنا ماخلقت هذا باطلا). Taariikhda iyo waaqicuna uu marag iyo markhaati ka yahay.

Kama hadlayo icjaaska  quraanka iyo sayniska ee baryahan dambe aadka looga hadlo, siyaabo badan oo iska hor imanayane looga hadlo,  ee ujeedka hadalkaygu waxa uu ku koobanyahay samaysanka guud ee kawnka iyo bani’aadamka oo ka mid ah kawankan iyo khalqigan uu eebbe uumay siraha ku duugan, ee cid walba oo xaqiiqo baadh ahi ay la kulmayso.

Ugu dambayn; ma iska hor iman karaan labada kitaab? Ama ma is khilaafi karaan,  taasi waa  su’aasha ugu muhiimsan ee ay tahay inaynu  is dul taagno,  waxa aan kusoo ururinayaa, in ay adagtay amaba aysan marnaba macquul ahayn in ay laba xaqiiqo oo dhab ah ay iska hor yimaadaan,  xaqiiqada hadalka alle iyo xaqiiqada kawnkan uu abuuray, is moodsiiska in ay iska hor imanayaane waxa uu ka dhalanayaa fahan daro iyo dhugasho la’aan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *