Aqoonta Iyo Aqoonyahanka (kala soocnaanta u dhaxaysa).
2 min readqormo kooban oo laga soo dheegtay buugga “islaamka Bari iyo galbeed” cali cissat (begovich)
waxa jira lama maan ama caqli , midi waa mid howlgaliye ah, midina waa maan caqliga gunta ah. fikirku aadamaha ee bilaa waxyiga ahi sidiisaba waxa uu diiddan yahay ilaahnimo in ay jirto, halka nolosha iyo dhaxalka dadkuna ay xaqiijinayaan jiritaankiisa, waana midda inoo sugaysa kala soocnaanta aqoonta iyo aqoonyahanka.
qasab ma aha in qofka aqoonyahanka ah iyo aqoontu ay isku mid ahaadaan, ama aragtida aqoonyahanku ay mar walba salka ku hayso aqoon, aqoontu kaliya waa qayb ka mid ah waxa uu ka yaqaan khibrada aadamaha ee dunida, oo waxa ay ku timaaddaa shaqooyinka maskaxda ee ku dhisan kala hufid(naqdin), is-barbar-dhigis, iyo kala soocidba.
haddaba,marka dhankan laga eego maanku waxa uu soo tufayaa waxa kasta oo “cilmiga ka kor marsan” mana ka soo reebayo wax kasta oo aan sal ku hayn wax dabiici ah,ee aan lagu sugi karin “i tus oo i taabsii “, aragtidanina waa ta uu salka ku hayo Saynisku sidiisaba.
sidaa darteed,wax kasta oo aan dabiicad dhabarka ku hayn saynisku ma aqoonsana, oo waa ay dhaafsiisan tahay xayndaabkiisa.
Haddaba marka cilmigu halkaa uu xayndaabkaas ku joogsado, qofka aqoonyahanka ahi waa dhaafsiisan yahay ileen “dadnimada” ayaa u dheer e, tusaale ahaan aqoonyahankii hindiga ahaa ee Oppenhaiymer, waxa uu u baahdey falsafadda Hindida, isaga oo ku suntanaa samayntii hubka Nukliyeerka ee Hindiya, balse dhammaadka noloshiisii waxa uu u laabtay falsafadda dadkiisa oo ka raadinayo qaabka uu u adeegsan lahaa hubkan. isaga oo ugu danbayntii faraha kala baxay cilmiga Nukliyeerka oo wuxuu u go’ay dhuuxidda falsafadda hindida.
Halka “Einstein” aragtidada waxa ay fikradihiisu dhex jibaaxeen suugaanta Diskoofisk ee ahaa qore sare oo sheeko faneedyada Ruushka kaalin mug leh kaga jira, gaar ahaan sheekada “walaalaha karamaasoof’, haddaba sheeko-faneedyada qoraagan wax xidhiidh ah lama laha sayniska uu einstein ku caan baxay , sida Cufnaanta, Tamarta iyo wixii la mid ah, ee cidda danaynaysay hoos u dhaca akhlaaqeed ee sheekada ku jirta waa Einstein oo aadame ah ee ma aha Einstein-kii saynisyahanka ahaa.