Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Khatarta Dhagax ku soo dhawaaday Dhulka,W/Q Axmad Khaliif. – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Khatarta Dhagax ku soo dhawaaday Dhulka,W/Q Axmad Khaliif.

2 min read

Baraha bulshada ayaa dhawaan waxa ku faafay warar dadku ay isla dhex marayeen in badan oo ku saabsan dhagax la sheegay in uu kuso dhici doono dhulka, hadaba caawa (29-april), oo ku beegan habeenka la sheegay in dhagaxaasi soo dhici doono waxaynu qormo kooban kaga faaloon doona dhagaxaas iyo qaabka ay wax u jiraan.

Abuuraha dhulka iyo samada (eebe weyne SW), waxa uu abuurey meerayaal iyo walxo fara badan oo dhamantood ku sugan hawada sare (space), midkastana waxa uu leeyahay marin (Orbit) aanu ka habaabin oo illahay ugu talo (وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ). Meerayaashaas (planets) iyo walxahaas (asteroid and comets), waxay iskugu jiraan kuwo yaryar iyo kuwo waaweynba tiro ahaanba aad ayey u fara badan yihiin oo waxa lagu qiyaasa malaayiin.

Walxaha (asteroids) waxa ka mid ah kuwa lagu magacaabo near-earth approach (NEO), ama walxaha dhulka kuso dhawaada, kuwaasi oo dhulka uso jirsada masaafo ka yar 30 million oo mile.

Hadaba walxaha (asteroids) dhulka uso dhawaada waxa ka mid ah mid lagu magacaabo 1998 OR2 oo jiritaankisa wakaalada Nasa ogaatay kahor 20 sanno, waana kan la filayo in uu caawa dhulka kuso dhawaado.

Muxu yahay 1998 OR2?
Waa asteroid ama meere yar ka mid ah kuwa loo yaqaano Near-Earth approach ama walxaha dhulka kuso dhawaada oo jiritaankisa la ogaaday 20 sanno kahor (1998-kii), dhex-roorkisuna yahay 3km.

Hadaba 1998 OR2 wax khatar ah ma keeni kara ama maxa ka jira in uu dhulka kuso dhacayo??

Wakaalada Nasa oo dhagaxan in ka badan 20 sanno ku daba jirtey waxay xaqiijisay marinka ama wadada u mari doono dhagaxani waxaana cad in haba yaraate wax khatar ah oo uu dhagaxani ku yeelan doono dhulka aanay jirin, dhagaxan dhulka waa uu dhaafi doona waxa aanu uso jirsan doona masaafo dhan 4 million oo Mile, waana masaafo aad u fog.
Hadiiba se ay dhacdo in dhagaxaasi kuso dhaco dhulka ( mana aha runti ta la filaayo), qilaafka ku hareeraysan dhulka (atmosphere), waxa uu illahay awood u siiyey in uu gubo oo u qarxiyo wax kaste oo so dhaafaya qilaafkaas oo kuso dhacaya dhulka, sidaas awgeed wax khatar ah oo ka iman karta meerayaashaas yaryar ma jirto.

W/Q: Axmad khaliif.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *