Mowjadaha cudurrada safmarka ah (pandemics Outbreak).Cabdalla maxamed Saciid.
3 min read
W/Q: cabdalla moxamed saciid.
Coronahan maanta dunida gilgiley dad badan waxa uu soo xasuusinayaa boqol sanno ka hor cudurkii safmarka ahaa ee gumaadka ba’an dunida oo dhan ka geystey , waa hergebkii isbaanishka (Spanish Influenza 1918-1919).
Cudurkan bar billowgiisii waxay aheyd xero ciidan oo uu ingiriisku ku lahaa Etaples oo ah tuulo dhacda waddanka faransa 1997dii . Waxey fariisin u aheyd boqol kun oo ciidan ah, isla markaasna xerada waxaa daris la ahaa beero lagu xannaaneyo doofaarro iyo xoolo kale oo ay ciidammadu quudanayeen.
Dabayaaqadii dagaal weynihii koowaad ee dunida (world war I 1918) ayuu cudurkan oo la garan waayey heybtiisa ku dhex baahay safafkii ciidamada, ugana sii tallaabay magaalooyinkii iyo waliba qaar ka mid ah waddamada yurubta galbeed.
Bilihii octoobar iyo nofeembar ee sandkii 1918kii dhammaan qaaradaha dunida ayuu isku fidiyey, 200 milyan tiro lagu qiyaasey oo dad ah ayuu soo rittey, 50 illaa 100 milyan oo qofna waa diley. waa laba lab in kabadan tiradii ku dhimatey dagaal weynihii koowaad.
Horraantii dhakhaatiirtu waxa ay maleeyeen cudurkani in ay bakteeriyo dhaliso, dawooyinka antibayootika (antibiotics) ahaa ee loo adeegsaday wax kama taraan ayey noqdeen. Ma maleysan kareyn dhakhaatiirtu in cudurkani uu dhaliyo ma noolaha ili ma aragteyda ah ee feyraska, aqoontii feyraska loo lahaa oo barigaas uun billow aheyd owgeed. Sanaddo badan ka dib ayaa feyraska heybtiisa loo aqoonsaday Influenza A uuna kasii yahay dirta H1N1. Assalkiisa waxa uu ku dhacaa doofaarka, waxana loo yaqaan Infuluwazihii doofaarka.
Mar kale ayuu hergebkii Infuluwanzuhu weerarkii soo rogaal celiyey isla qarnigii 20aad sanaddii 1957dii isaga oo dir cusub ah (Influenza A virus, dirta H2N2), waana kii loogu magac daray hergebkii aasiya (Asian influenza 1957-1958).Waxa uu ka dillaacay waddanka shiinaha, wadama badan oo qaaradaha aasiya, yurub, iyo ameerika ah ayuu cagta mariyey, isaga oo ugu dambeyntii geystey dhimasho 1 illaa 2 miliyan oo qof ah.
10 sano kaddib dir cusub oo isla feyraskan ah ayaa soo if-baxday (Invuluenza A dirta H3N2), markii ugu horreysey waxa laga diiwan galiyey magalada Honkong 13 july 1968. bartamihii sanadkii 1969 waddamada caalamka oo dhan ayuu isku fidiyey, hase ahaatee dhibaatadiisu waa ey ka yareyd labadii infuluwanza ee ka horreysey kan.
Mowjadihii kale ee safmarka ahaa ee dunida soo wajjahay waxaan ka xusi karnaa Feyraskii Ebola (Ebola Virus Diseas). 1976 ayuu soo if-baxday cudurkani balse mowjaddiisii ugu ballaarneyd waxa uu ka dillaacey galbeedka afrika 2014-2016.
Dunidu mar kale maanta waxa ay la tacaaleysaa cudur kale oo saf-mar ah waa Coronavirus COVID-19. Coronaviruses waa bah ballaaran ay ku mideysanyihiin feyrasyo kala duwan badankood xayawaanka uun ayey ku dhacaan, sida digaagga , geela iyo fiidmeerta. Balse kuwooda aadanaha usoo tallaaba isla markaana ku dhex baaha saddex ka mid ah ayaa noqonaya kuwa ugu halista badan.
Waa SARS-COV,(2002) , MERS-COV (2012) , iyo SARS-COV-2 oo ah heybta uu ku abtirsado Coronaha haatan dunida maasheeyey (COVID-19) ee dabayaaqadii 2019kii ka dillaacay magalada Wuhan, dhacda bartamaha waddanka shiinaha.
Dhammaan cudurradaa aan soo sheegney waxa ay ka simanyihiin cudur dhaliyaha oo ah ili ma aragteyga Feyraska (virus). Balse waxaa mudan in aad ogaato inta badan ma ahan Feyraska waxa geysanaya dhimashada bukaanka.
Kolka Feyraska uu jirka kasoo galo afka, sanka, ama indhaha waxa uu dagaya unugyada neef mareenka ama kuwa sambabada. Waxa uu billabaya in uu tarmo kuna baaho halkii uu dagay . unugyada dhiigga cascas ee ah difaaca jirka maadaama aaney aqoonsan Karin Feyraska, waxa ay burburin ku billaabayaan unugyadii uu gabaadka ka dhiganayay, taasina waxa ay keeneysaa in habdhiska neefmareenka uu dhaawac soo gaaro shaqadiisiina gudan waayo, taaso keensaneysa in uu bukaanku geeriyoodo. Mar kale waxa dhacda in bakteeriyo (bacteria) ama cudur kale uu bukaanku horey u qabey ay ka faa’ideystaan hoos u dhacca ku yimi difaaca jirka, sidaasna ay weerar dhimasho geysta ku soo qaadaan. Dhakhaatiirtu waxa ay xaaladdan jaha wareerka ah ee uu Feyrasku sababo ugu yeeraan Dabeysha seytokiin (Cytokine storm).
Daraasado shiinaha laga sameeyeyna waxa ay muujiyeen in badi bukaannadii u dhintay Feyraska coronaha bilihii lasoo dhaafay ay sababtay dabeysha seytokiin (Cytokine storm) ee aaney u dhiman bukaannado weerar uu Feyrasku u geystey jirkooda.
Gabi ahaan cudurradii aan kasoo sheekeyney iyo guud ahaan safmarradii dunida soo maray ma jirin mid ka arxan darnaa Infuluwanzihii isbaanishka (1918). Waxana lagu tilmaamaa in uu yahay mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee aadanaha gumaadka u geystey.
W/Q: cabdalla moxamed said.