Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Ku soo noqoshadii Dalka, iyo saddexdii Yey ! Ridwaan maxamuud. – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Ku soo noqoshadii Dalka, iyo saddexdii Yey ! Ridwaan maxamuud.

7 min read

Ku soo noqoshadii dalka, iyo saddexdii yey ! ,Cabdalwahab Al-masiiri.

aan kusoo laabtey masar aniga oo ka yimid mareykanka 1969, ka dib markii aan soo dhammeeyay daraja DR, waxa aan kalsooni badan ku qabey in uu qofku wax badan ka badali karo joogtada bulshadiisa, qeybne ka qaadan karo in ay caddaaladu ku idlaato dhulka. Waxa aan watey mashruuc ii caddaa oo daarnaa in aan noqdo midhiftire suugaaneed, ku xidhaya suugaanta sooyaalka fikir ee bulshada, sooyaalka fikirne ku xidhaya hor umarka dhaqaale ee bulshadu leedahay, waxa aan rabey in aan ku furdaamiyo dhibka dhaqaale ee soohan qaab fikri ah oo aragtiyo sare loo celinayo, waxa aan isku dayey in aan ka jawaab celyo su’aal odhaneysa “ sidii ayey afkaartu isku dhafnaanteeda iyo isa saarsaarnaanteeduba, u qayaxaan sameysanka hoose ee duunyeed (المادية ? . (markaa mashruuceyga suugaaneed waxa uu ahaa mashruuc fikir ku qotoma. Waxa aan isku dayey markaan soo laabtey inta taagteyda ah in aan bulshada ku dhex milmo si aan u fahmo is baddelada ku dhacey, si aan ula jaan qaado dhankiisa dhaqan, horumar, iyo dhaqaalaba. Waxa aan ka fogaan jirey in aan ku dhex dhafo hadalkeyga ereyo af English ah oo badan, marka se aan gurigeyga joogo waxa aan inta badan kuwada hadli jirney English si aanan u waayin awoodeyda luqadeed maadama aan aheyne bare suugaanta af englishta. Waxa aan shidan jirey biidhiga, waa aan iska daayey isaga , waxa aan isne cabi shirey sigaarka, waa aan yareeyey wax dhib ahne cid kale kumuu heyn jirin, waxa aan ku cabi jirey gurigeyga deyrkiisa. Waxa aan jeclaa xidhashada surwaalada gaagaaban waqtiga xagaaga, waxa aan se dooney in aan tijaabiyo qaabka ay bulshadu u arkeyso dhaqankaas, ka dib waxa aan xidhey maalin maalmaha ka mid ah surwaalkaa gaaban ( short ) waxa aanan ugu baxey suuqa, waxa aan ka codsadey mid ka mid ah dadka ka shaqeeya gurigayga in uu dhawro qaabka ay bulshada caadiga ahi kaga fal celiso xidhashada surwaalkaa gaaban, sida uu ii sheegay ma ay ahayn fal celin togan, wixii intaa ka dambeeyay waxa aan ku xidhan jirey surwaalka gaaban gurigeyga oo qudha . In aan bulshada qaabkaas ula jaan qaadaa waxa ay aheyd mid aad u fudud marka loo eegayo dagaal ka dhex aloosmey duunkeyga, waxa isoo weerarey saddex yey oo daran ( qaabkaas ayaan ugu yeedhaa ) oo in muddo ah dhib igu hayey, waxa ay kala ahaayeen; yeyga aduun doonka oo ah in aan xoolo badan yeesho, yeyga magac doonka oo ah in aan caan noqdo, iyo yeyga in aan wacaasha ugu badan hal buug iskugu geeyo. Yeyga koobaad ee ah doonistayda daran een u qabey in aan xooleysto inta ugu badan, waa mid saameyntiisa ay lahayd sababo dibadda igaga imanayey, waxa aan ka dhashey reer ganacsato ah, waxa ugu weyn ee aad isku sugi kartaa uu yahay in aad xooleysato haddii kale aad baqashooyin iyo kalsooni la’aan la darseyso, in aan yeygaas ka xoog weynaadaa waxa uu ahaa mid waxoogaa fudud, waxa aan is tusey in mashruuceyga timaado aanu ku hirgaleyn aduunyo badni, balse uu ku hirgalayo aqoon iyo xikmad, qaab nololeed kayga ku qotoma aqoon is weydaarsiga iyo yeelashada xidhiidho lagu dego uu in badan ka sad roonyahay qaab nololeedka in aan aduun badan u hawl galo sidii aan u ururin lahaa, ka dibna aan u galo hirdan iyo loolan adag. Wax yaabaha igu kaalmeeyay in aan go’aankaa gaadho waxa ka mid ahayd in aan u fiirsadey marka ay nasoo booqdaan caruurta ehelka iyo asxaabtu dhaleen in ay aad ugu farxaan la joogayaga, diidaane in ay ku laabtaan guryahoodii iyaga oo la dhacsan qaab nololeedka aan u noolnahay. Waxa aan u kaxeyn jirney beeraha loo booqashada tago, madxafyada, iyo raadadkii ay bulshooyinkii hor hore ka tageen inta ka taal magaalada, sidoo kale waxa aan u damaashaad tagi jirnay webiga niilka oon ku dhex socdaali jirnay, qaab nololeedkaas waxa uu dareen siin jirey iyaga buuxitaan, anna waxa uu I dareen siin jirey in daba orodka aduun inta ugu badan aanu ii ogolaaneyn in aan waqtiyada noocaas ah qaato. Waxa aan xasuustey malinkaygii markaan joogey mareykanka, waxa uu sameeyay sheeko filin ka dibna waxa uu bilaabay in uu u suuq geeyo Hollywood, isaga oo maalin jooga guriga mid ka mid ah nimanka filimada soo saara oo raba in uu la kulmo mid ka mid ah wakiilladiisa, ayaa waxa uu ogaadey intii uu ku dhex jirey wada fadhiga in ninkan wakiilka ah aanu weligii maqal faylasuufkii orosdo, ka dibna waxa uu bilaabay in uu faraha ka qaado la shaqeyntoodii isaga oo sabab ka dhigaya in aaney suure ahayn in uu la shaqeeyo, inta noloshiisa ka dhiman dad aan garaneyn wax aan lacag ahayn, waxa ay dhacdadani ii tartay in aan fogeeyo fikraddii aduunyo urursi aniga ahaanna fikradda iyo mashruuca aan noloshayda ka rabo aan u hawlo galo, helana in igu filan aduunyo si aan mashruucaa uga lib keeno iyo sidoo kale si aan xornimo ugu helo qaybaha noloshayda maalinlaha ah, wax soo saarkayga aqooneedna aan u maalgashado, sidaa daraadeed waxa aan ku celcelyaa odhaahda ah, lacag urursigu waxa uu dad badan ka hor taagan yahay fulinta mashaariicdooda, waxa uu ku hayaane culeys, aniga se waxa aan u arkaa in ay noqoto lacagtu mid ku siineysa xorriyad. Runtii waa aan ku guleystay inta ugu macquulsan in ay lacagtu ii shaqeyso aniga, intii aan iyada u shaqeyn lahaa, ma aan ku qasbanaan weli in aan ka shaqeeyo shaqo ka hor imaneyso mashruuca fikir ee aan watey, sidoo kale kama shaqeyn ilaa shaqooyin aan ugu adeegayo isaga mooyee, waxa aan ka dhigi jirey maadooyin kulliyadda hablaha ee jaamacadda cayn shamsi, waxa aan ku siyaadiyey in aan laba maado oo kale ka bixiyo kulliyada suugaanta, waxa ay qeyb ka noqotey bixinta maadooyinkaasi dooddii falsafiga aheyd ee aan nafteyda kula jiray, waxa ayna wax u tartey mashruucii fikir ee aan watay. Waxa aan deegaan ahaan u doortey meel ka ag dhaw goobta jaamacada ee aan ka bixiyo casharada, si aan waqti badan iigaga lumin imashada iyo noqoshada, mana qaban wax xil ah intii aan jaamacada wax ka dhigayay, ma noqon madaxa jaamacada, ama madaxa kulliyad ka mid ah kuliyadihiisa, waxa aan mar noqdey la taliyaha wafdigii joogtada ahaa ee jaamacadda carbeed ee joogey maraykanka, markii la iiso bandhigey in aan ka shaqo galo hay’adaas weliba dakhli adag, waa aan diidey waxa aan ka door bidey in aan shaqadeydii iska sii joogo, sababtune waxa ay aheyd shaqadeyda cusub waxa ay dhammhaanba la tageysay waqtigayga, sidoo kale waxa ay ka hor imaneysay mashruuceygii fikir. Taas ma aha macnaheedu in aanan weligay arkin adeyga nolosha iyo busaaradeeda, markii aan tagney aniga iyo oorideydu mareykanka 1963 waxa aan ku qasbanaaney in aan ku noolaano hudheel yar oo tabaaleysan, jiilaalkiine waxa aan ku qasbanaaney in aan iibsano koodhadh aan cusbayn ee hore loosoo isticmaaley, markii aan u wareegney jaamacadda Rutgers waxa aan ku qasbanaaney in aan lugeyno in badan si aan u gaadhno meelaha laga raaco basaska, waxa ay gabadhaydune ku qasbanaatey in ay dhankeeda ka shaqeyso si aan isku kaabno, waxa ay sidoo kale markii ay umushey inantayada Nuur, waxa ay kusoo qaadi jirtey sinta iyada oo masaafo dheer soo lugeynaysa ilaa halka besku joogo, iyada oo iskaga gooshaysa new jersey ilaa new York si ay u haleesho dhakhtarka ilaalinta bilaashka ah. Intii aanu marxaladdaa ku jirney ma aan iska kibrin in aan qabto shaqo kaste oo suure ah in aan helo, waxa aan bilaabay la shaqaynta qolada dab damiska, shaqo fudud ayay ahayd waxa aan maalintiiba soo mari jirney hal saac goobta shaqada si aanu u qorno warqad odhanaysa “ wax kastaaba waa san yihiin “ inta kasoo hadha waqtigayagane waxa aan ku qaadan jirney akhris iyo qoraal gaar ahaan maalmaha fasaxa la yahay sabtida iyo axadda. Waa lay dalacsiiyay waxa la iga dhigey madaxa kooxdii shaqada, ka dib waxa aan shaqo galyey intii ugu badneyd asxaabteydii aanu jaamacadda wax ka wada baran jirney, maamulka sare ee shirkadu waxa uu ku faani jirey in shirkadiisa ay ka shaqeeyaan koox mareysaa darajo sare wax barasho ahaan, waanu ku saxsanaa faankaas. Ka shaqeyntaa goobtaasi ma ay ka madhnayn waqtiyo adag oo nasoo food saara, mar ayaan waxa aan ka jeediyey barnaamij jaamacadda gudaheeda kaas oo daarnaa xasuustii Malcolm X, ka dib waxa faafisey barnaamijkii jaraa’ido dalka gudihiisa ka hawl gala magacaygane waa lagu xusey, ka dib waxa ii yeedhay shirkadii aan ka hawl gali jiray ninkii masuulka ka ahaa waxa uu ahaane nin mayal adag, “ Miyaanad aheyn qofkii maanta sawaxanka ka dhalyey jaamacadda gudaheeda ? “ ayuu i weydiiyey, hadii ay arintan oo kale igu caddaato si toosa ayaa la iiga eryayaa shaqadan aan waxoogaaga ku nastey, dabcan waan inkirey in aan ahaa qofkaas, ka dibne waxa uu I weydiiyey magacayga oo saddexan, ka dib waxa aan u sheegay magacaygii oo afaran oo aan carabi ku akhriyey kana gaadh gaadhsiiyey, ka dib wuu i aqoonsan waayey waxaane uu yidhi waxa suure ah in uu qof kale yahay. Waxyaabaha sidoo kale igu kaalmeeyay in aan ka gudbo yeyga lacag urursiga, waxa ka mid ah oorideyda Dr huda, oo aan muhiimad saarin wax badan iibsiga, iyo yeelashada wax badan. Tusaale ahaan markii aan rabey in aan u ged baxo qoritaanka ‘ mawsuucada ‘ waxa aan go’aan sadey in aan waqti ka fadhiisto shaqada, markii aan isla gorfeynay waxa ay ila qaadatey fikradii, in kaste oo ay ku adkeyd reerkayga in aan ka tago shaqada, go’aankaas iyo go’aamo kale oo la hal maala waxa aan ku tilmaamaa qeyb ka mid ah waalli kooban oo aan marney, balse waalidaas la’aanteed ma aan dhammeyn kareen mashaariicdeyda fikir ee aan wadey. Ugu dambeyn waan ka guuleystay yeygii daba orodka lacagta iyo ku dhammaynta wax kaste ururinteeda. In kaste oo aduunka aan haystay aanu badneyn haddane waxa aan marar badan dareemay dambi markaan arkey asxaabtaydii qaar ka mid ah oo la harjadaya sameynta aduun ay iskaga celyaan nolosha, anne waqtigaygu uu intiisa badan qoraal iyo akhris u qoondeysan yahay, waxa aan gaadhay heer aanan qalin iyo buug is dul qaban muddo sanad ah, ilaa aan arkay qaar kale oo asxaabtayda ka mid ah oo aduun badan dhiteystey balse aan buug iyo qalin toone is dul qaban, waxa iiga muuqdey arinkaas in aanay isku xidhney hanti badnaanta iyo qoraalku, hantidune ay tahay qodob muhim ah balse aaney keensanayn in uu qofku wax qoro.

W/T : Ridwaan maxamuud sheekh ( Maygaag ).

More Stories

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *