Doobta ama Jocorta dadka, maxay ka dhigantahay?
1 min readDoobta ama Jocortu waa seedo ka muuqda qoorta dadka oo ku toosan hunguriga, waxay soo muuqataa marka dhuunta qofku ay korto ama hore u soo baxdo, waxana ay barbar socotaa calaamadaha qaangaadhista.
Dhanka muuqashada doobta ee rag iyo dumar, wiilasha si fiican ayay u muuqataa balse gabdhaha hore uma soo baxdo badanka oo waa meelaha ay ku kala duwan yihiin.
Ragga qaar macno ragannimo ayay u samaysaa oo codka dhuunta kasoo baxaya miisaan ayay u yeeshaa, halka kuwo kalena ay qurux u tahay. Balse ragga qaar bay muuqataa oo si fudud loo arki karaa, qaarna ma muuqato oo qoortooda ayaa gaaban, ama buuran ama murqaha dhuunta ayaa adag ama baruur ayaa saaran.
isbadalka ku dhaca codka ragga, waxay ka timaaddaa hormoonka ragga ee “testosterone”