Taariikhda Xidhiidhka Turkiga iyo Soomaalida.
2 min readMarka laga yimaaddo xidhiidhkii soomaalidii hore ay la lahaayeen ilbaxnimooyin kale sida Faraaciintii iyo Faarisiyiintii (oo koobsanaysa Iiraan iyo Turkiga) iyo kuwo kale oo soomaalidaas hore ay caan ku ahaayeen iib-geynta Udugga sida Malmalka iyo Beeyada.
Balse intaas kadib, waxa jira saamayn hore oo muujinaya xidhiidhkaas, waxana ka mid ah ciidda Dabshidka ama Nayruus-ka oo laga tixgaliyo meelo badan oo ka mid ah Turkiga,taas oo ay soomaalidii horena (inkasta oo imika la hilmaamay) ay dhigan jireen xilliga gu’gu u bilaabmo, iyadoo dhaqankan qaddiimiga ah ee caddeynaya Xidhiidhka Soomaalida iyo faarisiyiinta uu wali ka sii jiro deegaannada xeebaha Banaadir oo ciiddan Nayruuska si weyn looga dabbaal dago.
Dagaalkii Axmed-Gurey iyo Gurmadkii Cusmaaniyiinta
Xidhiidhka tooska ah ee taariikhda la hayo waxa uu bilaabmay xilligii dunida inbadan ka talinaysay khilaafadii islaamiga aheyd ee cusmaaniyiintu ,Kaddib horo u socodkii iyo guulihii is xigey ee ay sameeyeen ciidamadii halgamaa Axmed-Gurey oo ay ku qabsadeen dhul badan oo Ardul Xabash ah.
Haddaba markii dagaalkii uu meelsare gaadhay, waxa is xigxigay guulihii ciidamadii Soomaalida ee Axmad-Gurey,Balse markii danbe waji kale ayuu dagaakii yeeshay,waxana bilaabmay isu habar wacasho, iyadoo colkii Xabashidu ay soo gaadheen gurmad kala danbeeyey oo ay soo gaadhsiiyeen boqortooyadii Boortaqiisku oo abaabulan oo ahayd boqortooyo awood badnayd galaangal badanna ku lahayd xilliyadaas qaaradda Afrika.
Gurmadkii hore ee xabashida soo gaadhey wuxuu ahaa mid uu watay Kiristoofar Diigaama oo ah wiikii Boqor Fiska Diigaama,balse muddo kadib wuu fashilmey gurmadkaasi kadib markii ay jabiyeen ciidamadii Axmed-gurey sanadkii 948 Hijriyada. haddana mar labaad oo ay soo direen ciidan Boortaqiisku sannadkii 950 Hijriyada,halkaas oo laba sanno kadib ay dagaal adagi dhex maray boortaqiiska iyo ciidamadii Axmed gurey oo halkaas lagu diley halyeygii weynaa ee Axmed-gurey ALHN ,sidaas oo uu kusoo gabagaboobey dagaalkaasi.
Dagaalka ka hor Waxa jirtey taageero Cusmaaniyiintu ay siin jirtey halgamaa Axmed-gurey,markaas oo ay khilaafada Cusmaaniyiintu ka difaacayeen weerarkaas ay Boortaqiisku ku soo qaadeen Geeska Afrika gaar ahaan Imaaradii Cadal ee uu maamuli jiray Axmed-Guray .
Turkidu waxay dhulka somalida ka soo galeen magaaloyinka xeebaha sida Muqdisho,Berbera,Saylac.balse tan iyo markii ay dhacday khilaafadii Cusmaaniyiintu may jirin xidhiidh fiican oo u dhexeeyay Somalida iyo Turkida.
Waxqabadkii cusmaaniyiinta
intii ay joogtay dawladdii cusmaaniyiinta xeebaha waqooyiga soomaalida,Waxa ka mid ah wax-qabadkii la xasuusto in ay dhiseen noobiyadda maraakiibta ee dekedda Berbera, iyo waliba Goobta biyaha macaan ee ay magaaladani biyaha ka hesho illaa hadda,isagoo dhismayaal dawladeed, masaajido iyo goobo kaleba kaga tagey magaalada.
Xeeldheere.