Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Sheekada Dhammaadkii Gaangistarka “Dardaarankii la eedey” DR.Mustafa Maxamuud. – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Sheekada Dhammaadkii Gaangistarka “Dardaarankii la eedey” DR.Mustafa Maxamuud.

6 min read

sMilyaneerka dhimanayaa, waxa uu isugu yeedhey wiilishiisii afarta ahaa, isaga oo  u yeedhinaya curadkiisa dardaarankii ugu danbeeyey,taas oo  ka duwan talooyinkii hore looga bartay. Waxa uu ku dardaarmayaa cod gariiraya, wiilashiisuna ay layaab afka kala qaadeen,sidii oo dhagaysanayaan cid aan ahayn aabbahoodii ay yaqaaanneen.

Wuxuu ku yidhi cod naxsan :-

“Waxa jirta hal milyan oo doolar oo aad si siman ku qeybsan doontaan,halka toddobada milyan ee kale uu dardaarankaygu yahay in aad ku dhistaan dugsiyo ,masaajiddo ,xeryo qaxoonti,goobo caafimaad, goobo lagu xannaaneeyo dadka waaweyn, xarumo agooneed iyo waliba dugsiyo farsamada gacanta ah,waxana wiilkaygan curad saaran masuuliyada in uu dhiso goobahaas samo-falka ah,iyo in maamulo  si ay u noqoto sadaqo soconaysa”!!!. 

durba waxa la maqley codka inankii guri-dambayska ahaa oo amarada ka soo horjeestey, “Balse Aabbo ma jiro mid naga mida oo khibrad u leh waxan aad sheegeyso”.

Aabihii baa sii watey hadalkiisii………”Labada milyan ee Doolarna waxa lagu dhisayaa masjid iyo malcaamad qur’aan”.

Si amakaag leh ayay is wada eegeen walaalladii,waxana hadalka qaatay wiilkii ugu yaraa oo wax saluugsan:-

-Aabo waxani ma aha wixii aanu kaa barannay, noloshaadaa oo dhan waxaad nagu barbaarisey shaqooyin kale…imikana waxaad kadis nooga dhigeysaa wax aanad na barin, noloshaada masaajid maad galin ,salaadna rakcad ma aad tukan,oo kitaab maad kala furin,oo qof baahan gacan u maad taagin ,oo waligaa noomaad sheegin hal xaraf oo Diin ama kheyr ah, waxa aanu kaa barannay kaliya waa sida aanu wixii la iibinayo Qubrus uga soo qaadno oo aanu Masar si qarsoodi ah ugu galinno,iyo sida aynu ugu  kala qaybin lahayn wakiilladeenna ,sida aanu u wadi lahayn baabuurta, dhug-dhugleyda dheereysa iyo diyaaradaha helikobtarka ee qumaatiga u kaca,sida loo adeegsado qoryaha riddada dheereeya,bambooyinka gacmaha iyo waliba madfaca Hown xilliga loo baahdo.!!

………Waxaad na bartey sida hal jineeh loogu baddalo hal milyan ,haddiiba ay dhacdo in ay nagu qaadato in aanuu layno ciidamada ilaalada xeebaha ….waxaad na bartey in aananu ka cabsanin cidnaba…in aananu u aabo yeelin garyaqaan ,maxkamad iyo xukun toona… in dhammaan magta dadka aanu laynaynaa yihiin qaar la iibsan karo… ciddii diidda boqol waxay aqblaysaa kun ,ciddii kun diidaana waxay yeelaysa malyoon., in aanu haba yaraatee jirin cid lacag iska weyneysiin kartaa…iyo in dadku yihiin cayayaan lagu ugaadhsan karo malab ,midka aan malabka ku dhicinna uu sunta ku dhacayo…

Aabo saw namaad barin in caalamku yahay keyn aanay nabad galyo ka jirin…iyo in hal-ku-dhigga kaliya ee keynta lagaga baxsan karaana ay tahay “WAX DIL INTA AAN LAGU DILIN”.Waa waxaas waxa aad na bartey ,haddana ma aragno  wax is baddaley si aad noo tidhaa hadalkan oo kale.

markii intaas uu is raacsadey guri-dambayskii ayaa odaygii hadalkiisii iska watay….

Waxa cusubi waa in aan dhimanayo ,… waa aabbihiin oo dhimanaya… oo barito noqonaya ciid uu aboorku cuno…waa ciid aan ka duwanayn  ta aad kabihiinna ku dul taagan tihiin.

Guri-dambayskii ayaa ka boobay hadalka “Tani balse ma aha wax kugu cusub…waxaad arki jirtey geerida oo haleeleysa maalin walba dadka kugu xeersan…midba midka kale…oo waadigii aaskooda u raaci jirey…oo adigaaba marar dili jirey…waa isla adiga kii wax dili jirey macna darro … waa isla carrabkii na fari jirey dilka , ayaa maantana na leh ,masaajiddo ,goobo agoonta ah  iyo dugsiyo dhisa….!

Waayo hadda waa aniga ka dhimanayaa… waa isla anigii dawakhiyay taliska sirdoonka ee Masar,Shaam,Suuriya Tuunis Jasaair,Talyaaniga Giriigga iyo waliba Jarmalka… waa anigii ahaa  jinkii gacanta lagu dhigi waayey… maantana  waxaan u garba duubanahay Qallal iyo indho la’aan iyo kursi aanan awoodin  in aan ka kaco….waa taa dhiiggu ka dareerayo midhicirkayga ee aan aayarka iska dhimanayo… ee marna soo baraarugaya marna miyir-doorsoomaya..

Daqiiqadaha ii hadhey wey iska tirsan yihiin… waxaan  dili jirey kumanaan qof, oo waa gar, balse aragtida qof dhimanaya iyo geerida dhadhaminteedu way kala duwan tahay…

Waxa labadaas u dhaxeeyaana waa wax weyn ,mana idinla rabo inaad sidan qadhaadh een u dhadhamiyey geerida u dhadhamisaan.,waa in wax kastaaba is baddalaan ,waa in wax kastaaba is dooriyaan… waan gafey ubadkaygiiyow ,oo waxaan u gafey si daran, waa se laga yaabaa in aan gafkeyga qirtey xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen…

wixii gaf ahi waa gaf, ee i dhagaysta … dardaarankan cusubi waa tay ahayd  in la fuliyo, waa amar!! .

Wuxuu isku dayay in uu baastooladiisa ka soo saaro jeebkiisa oo wuu awoodi  waayay, inankiisii Curad ayuu ka codsadey in uu u dhiibo baastooladda..

Gacanta ayuu galiyay Curadkii jeebka aabihii oo uu ka soo saarey baastooladdii dabeedna u dhiibey , Markaas ayuu odaygii si adag gacanta ugu dhigey isagoo ku dhaggan oo keebka qabtey, haddana uu u celiyay inankiisii curad :-

Ciddii dardaarankaa diidda, ku rid xabbad  haddii uu noqonayo walaalkaana. Waana amarkeygii ugu danbeeyey ee aan bixiyo …waa amarkeygii u danbeeyay ee adduunyadan … “dil oo dil” oo aan ka noqosho lahayn… waxaad u socotaaba waa in aad dardaarankaas fuliso si kalsooni leh …

xoolahan bangiyada iyo khasnadaha ku jiraa ma aha xoolaheygii si aad u dhaxashaan.waa waxaan soo xadey ..wax lagu dhaafi karana ma leh aan ka ahay in lagu dhiso wixii ay dumisey oo nolosha waxay xumeysey lagu hagaajiyo

Oo fooqyadiina ayuu cod gariiraya ku yidhi guri-dambayskii mar kale.

waa la iibinayaa lacagteedana sidaas uunbaa laga yeelayaa.

oo Aabbo Baararkii qamaarkana,fooqii Milaana ku yaalay,sharikadihii hub iibinta ee landhan(london), iyo fiillooyinkii, baariisna.

-gabigoodba waa la iibinayaa,oo waxba kuma lihidin .. oo midkiinna gacan kuma leh… oo midkiinna yeelan maayo…anigaa kalidey iska lahaa imikana aniga uun baa leh waxaasna waan ku bixiyay….

-oo annaga maxaa haddaaba noo soo hadhaya ,ee aanu ku noolaanaa?.

-milyanka doollar ee soo hadhaya baa u dhiganta affar milyan oo jineeha Masar ah… midkiinba hal milyan buu heleyaa… waana bar bilow fiican oo aad nolol cusub oo milgo leh ku abuuran kartaan.

Markaasay ereyga “milgo” ama sharaf la yaab noqotey inay ka soo baxdo afkii “waraabaha” ee Aabahood ,hadda waa madaxa budhcadda maandooriyaasha ee bariga dhexe oo dhan,deedna waxa ay yeelatay dhawaq la yaab leh oo shib baa laa wada yidhi,oo ay cabsina ugu darsantay….

markaas bay walaalihii is wada eegeen isagoo mid waliba dabnihiisa dhaqdhaqaajinaya iyadoo la wada sugayo mucjiso inay dhacdo.

kadiskii la wada sugayey waxay noqotey mid naxdin leh,wuxuu “waraabihii” baastooladdii ka soo saarey  jeebkii Curadkiisa isagoo foollashooda ku beegey rasaasana kor u ridey… dhinac kastana u jeediyay..markaasay naxdin gariireen oo ay gidaarada isku nabeen iyadoo ay hadalladii odeyga oo dhiilleysnaa leeyahay:

-waa amarkii u danbeeyay..waa amarkeygii u danbeeyey inta aanan dhiman ,waana qasab in la fuliyo.

kadib odaygii hadalkiisii waa gamgamleeyay,oo cabudhaad awgeed uu neef tuurey,deedna hal mar uunbuu aamusey oo madixiisii laabta saartey oo uu neefihiisii u danbeeyayna uu aamusni ku dhammaystey oo uu aabahood sidaas ku dhintay…

Waxa goobtii dabooshey ammin naxdina oo sidii baraf qallaleen oo ay wada cabsadeen..dhaqdhaqaaq ma leh..oo cod ma leh.. aan ka ahayn neef tuur iyo iyo dareen gariir leh iyo is-eegis la is cawryayo.

markaas buu wiilkii guri-dambayska ahaa hadal iska baadhay oo madaxa ruxey dibnahana sidii wax dhaxmoonaya hadalba ka iman waayey..deedna hal mar ku qarxay isaga oo leh:

-wuxuu sameeyay wax kasta oo xumaan ah, kama tagin dhadhan kasta ilaa uu qadhaadheeyey,kama tagin gabadh kasta ilaa oo uu kufsadey..kama tagin xumaan oo aanu daba boodin…imikana ilbidhiqsiyadii u danbeeyey ee aanu itaal uu wax ku qabsado  lahayn oo aanu rajo lahayn ee uu awoodi waayey ee dhadhankii ka lumey… imikuu iskaga dheelayaa xoolihiisa oo dhan oo uu naga hor istaagayaana, sidii oo uu noqdey wali siraadan oo Alle,kaas oo ka shaqeeya dhisidda masaajiddo, malcaamado qur’aan,xeryo daryeel iyo guryo agoon samayn, waaba waxaan la qaadan karin.


“diktoorkii xanuunkiisa heley shalay ,wuxuu ku sheegey in uu heley maskax hilmaan” ayuu saddexdii kale mid yidhi.

-waa cudurrada asqawga ee iska dhaaf, ayuu mid kalena ku daray.

-wuxuu ka soo baxayay miyir la’aan oo wuxuu galayay miyir la’aan, oo hadalkiisu wax ka soo qaad ma lahayn.

Deedna walaalkoodii curad baa u adkaysan waayay hadalladii baa yidhi:

-oo maxaa loogu qaadan la’yahay hadalkiisii u danbeeyey in uu tawbad iyo soo noqosha dhab ah ka ahayd.

Markaas buu wiilkii guri-dambays si kulul ugu hal-celiyey:

Toobaddee,soo noqoshada ninka faaliga qaba ee aan waxba awoodin,ma noqon karto soo noqosho iyo tawbad dhab ah.

Markaas buu inamdii mid kale taageerey guri-dambayskii:

-Dhab ahaan,soo noqoshada dhabta ahi waa mid ka soo baxa qof awooda in uu danbi galo karo… oo waa qof danbigiisii isaga dhaafey awooddiisa iyo doorashadiisa ilaahay waafajiyay…haddaba ka miyir la’ ee aan waxba dooran karin ee tamarta darani ..waa beenaale  haddii uu xitaa sheegto mudnaan iyo awliyanimo  ..iyo hadduu towbad iyo soo noqoshaba sheegto .

inankii curad ayaa qaab deggan u halceliyay markan:-

-soo noqoshadu sideedaba waa niyad. Oo ma garan karto cidina niyadda qofka kale Alle mooyaane.. oo xaq uma lihin in aynu aabbaheen iska deel-qaafno ileen midkeenna niyaddiisa ma oga e.

W/Q:DR.Mustafa Maxmuud.

W/T: cabdicasiis Odowaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *