Falsafadda Ciidda. W/Q Mustafa Saadiq al-Raafici. W/T: Maygaag Maxamuud
3 min readMaxaynu uga baahi badannahay maanta muslimiin ahaan in aynu boodhka ka tunno oo aynu fahanno macnaha ballaadhan ee ku duugan maalmaheenna ciidda, si ay inoogu imaaddaan maalmahaasi iyaga oo ah maalmo farxadeed, inaguna baraarujinaya astaamaha xooggan ee ay xambaarsan yihiin, cusbooneysiinayana nafaheenna mar kale, aan ahayn sida ay hadda inoogu imaaddaan maalmhaasi iyaga oo ah kuwo hawl gabsan oo kaliya, laguna hawshoodo cusboonaysiinta calalyaha iyo isugu indho buuxinta dhoolacadaynno aan dhaadhacsaneyn.
Ciiddu waa macnaha ay wadato maalintaasi ee ma aha maalinta qudheeda, sida hadba ay macnahaa u fahmaan dadku ayey ku qaabilayaan ciidda. Waxay ciiddu ahaatay Islaamka gudihiisa mid gudbinaysa fikradda midowga umadda, doonistooda iyo dadaalkoodaba, caksiga iyo lidka ciidda hadda ee xoogga la saarayo dhaldhalaalka aan qiimaha badan lahayn.
Waxa ay ahaayeen ciiduhu kuwa sugaya joogitaanka ruuxiga ah ee umadu leedahay heerkiisa ugu sarreeya, waxayna isku baddaleen kuwa sugaya dhoohanaanta bulshadu ay ka dhoohantahay ku foofidda arimaheedda oo idil, waxa ay ahaayeen maalmo shaqadii bulshadu ay haysatey kaga nasato – shaqadey ku hor marineysay dhincayadeeda oo dhan, furdaaminna ugu raadinaysa dhibaatooyinka oo dhan -, waxa ay isku baddaleen maalmo dulliga saaran ay kaga nasato – duliga ka saraan dhankeeda siyaasiga ah iyo dhankeeda bulsheed iyo dhankeeda dhaqaalaba – waxa ay ahaayeen maalmo lagu muujiyo mabda’a iyo aaminaadda bulshadu ay qabto, waxa ay isku badaleen maalmo shilin toocsi.
Waxa ay ahaayeen ciiduhu maalmo lagu muujiyo awoodda ay umadu u leedahay badalidda maalmaha, aysan kaliya ku tawaawacayn is baddelka maalmaha taagdarrideeda awgeed, waxa ay ahaayeen ciiduhu maalmo ay umadu ku soo bandhigto quruxda habaysnaanteeda bulsheed, iyo sida ay u wadaagayso dareen midaysan, ay kulmineyso odhaah midaysan, waxa ay ahayd ciidu maalin ay bulsho awood lihi muujinaysanayso ahaanshaheeda iyo taagteeda, iyada oo isugu soo baxaysa maalmaheeda farxadeed sidii maalmaheeda guuleed.
Waxa ay ahaayeen ciiduhu maalmo lagu barayo bulshada sidii ay u balaadhin lahayd xaqii darisku isku lahaa, si ay magaalada oo dhan u noqoto dad hal jabad wada deggan oo kale, ay wadaagaan walaaltinimo xeeldheer oo qalbiga ah ficilna wadata, ay isku hadyeeyaan hadyadu qalbiga ka soo baxaya oo jaceyl ku lifaaqan yahay, si loo tusiyo in ay yihiin hal qoys oo balaadhan.
Waxa ay ahaatay ciiddu mid ay bulshadu ku muujiso soocnideeda iyo isku filnaanshaheeda, iyada oo ka soocan shisheeyaha, kuna labisan hu’ ay iyagu samaysteen, ku soocan laba; jiritaankeeda iyo waxsoosaarkeeda, ku xooggan laba; rumaynteeda iyo hab u noolaanshaheeda, ku faraxsan laba; kaalinta ay ku jirto iyo suuqyadeeda camiran, waxa aad moodaaba in ciidda loo asteeyay bulshadu idil ahaan in ay ku faraxdo waxa ay la gaar noqotay.
Waxa ay ahaatey ciiddu mid ay ku kulmaan caruurta iyo cirooluhu farxadda badhaadhaha nololeed ee ay cagta ku hayaan, mid ay dhalaanku dareensiiyaan dadka waawayn in ay farxad ku dareemaan munaasibado ku dhawaadey in ay caadi la noqdaan.
Waxa ay ciiddu ahaatey mid lagu barayo umadda, in ay awooddeeda isugu gayso majare qudha marka ah doonto si ay uga lib keento, in ay dhaqaalaheeda u samaysato maalin ciideed, waxsoosaarkeeda in ay u sameysato maalin ciideed, aqoonteeda u sameysato maalin ciideed, maalin kaste ay ku faraxdo heerka ay gaadhsiisey arrinkeedaa, maalin kastaane ay gudbinayso mid ka mid ah macnayaasha guusheeda.
Arrimahaa diineed, bulsheed iyo siyaasi ee xooggan ayay tahay waxa loo asteeyay maalmaha ciidda, in bulshadu waqti kaste oy joogto ka shaqayso waxa horu marinaya dhinacyada nolosheeda oo idil, midaynteeda, maamulkeeda iyo nolosheedaba, si ay ugu faraxdo maalmahan sharafteeda iyo wax qabadkeeda, waana sababta usbuuc kaste hal maalin loogu asteeyay in la ciido oo la isku arko masaajidka si la isku dareensiiyo arrimahaa u yaala bulshada .
W/Q: Mustafa Saadiq al-Raafici
W/T: Maygaag Maxamuud