XEER WARBAAHINEED. W/Q: Aadam Haybe.
2 min readQuraanku waa hage ka samatabixinayay aadamaha dhibaatooyin badan oo ku xeeran waagii uu nebiga kusoo dagay, waana tilmaame la jaanqaadaya goor iyo ayaan kastaba.
Quraanka waxa kusoo arooray xeerar badan oo warbaahineed haba kala duwaan qaabka ay u dhiganyihiine, balse waxa ay ka simanyihiin dhamaan aayadahaasi in si dadbadan iyo si toos ahba ay aadamaha wax u tusayaan.
Tusaale : alle wuxuu yidhi
(وإذا جاءهم أمر من الأمن أو الخوف أذاعوا به ولو ردوه إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم لعلمه الذين يستنبطونه منهم ولولا فضل الله عليكم ورحمته لاتبعتم الشيطان إلا قليلا ).
Aayaddu waxa ay kusoo dagtay munaafiqiinta , haddii ay muslimiintu doonaan inay dagaal qaadaan, ama koox kamid muslimiintu dagaal u diyaar garoobaan, munaafiqiinta ayaa faafin jiray siraha hoose ee diyaar garawga muslimiinta, iyada oo aanuu rasuulku u ogolaan.
Macne ahaan aayaddu waxa ay soo gudbinaysaa in haddii munaafiqiintu iska dayn lahaayeen faafinta wararka xun iyo siraha muslimiinta, kana war sugi lahaayeen rasuulka iyo hogaanka muslimiinta ay u khayr roonaan lahayd.
Islaam ahaan warbaahinteenu asaas iyo sal balaadhan ayay leedahaay kaas oo ku tiirsan mabd’a, aayadinana waxa ay sal u noqonaysaa in aanuu qofka muslimka ahi baahin wax kasta oo uu maqlo, waxyaabaha qaar waxa ay dhaawaci karaan hanaanka dawladnimo iyo jiritaanka.
Dhibta haysata dhalinta warbaahinta ka hawl gasha ayaa ah in aanay wax badan uga baxsanayn ereyga ay ku dooddaan ee xorriyadda hadalka, aragtida xorriyadda hadalka ee islaamka, qaabkuu u dhaqan galiyay, wax kasta mala faafin karaa, se qofka muslimka ah maxaa u asaas ah.
Seeska xorriyadda aragtida reer galbeed ayaa ku dhisan odhaahda ah ” xorriyada qofku waxa ay ku dhamaataa halka ay ka bilaabmato xorriyada dadka kale ” macne ahaan xorriyad baad haysataa inta aanad ku xadgudbayn qof kale.
Halka islaamka taa mid ka gundheer ay jirto taas oo ah ” xorriyada qofku waxa ay ku dhamaataa halka ay ka bilaabmato xuduudda alle ” taas oo ah in aanad xeerinayn oo kaliya xuquuqda dadka kale balse aad xeerinayso una hogaansamayso xuduud iyo rabbaani ah.
Ugu dambayntii waxa laga maarmaan ah in dhalinta soomaaliyeed ee ka hawl gala warbaahintu diraaseeyaan si fiicanna u dhugtaan xeerarka islaamku u dajiyay warbaahinta tolmoon, si loo helo warbaahin ka wanaagsan tan hadda jirta, wax badanna u hagaagaan .
Adam haibe
Khartoum