NOOFALKA IYO SHEEKADA GAABAN. W.Q Cabdiraxmaan “Feegaar” 1983.
1 min readNoofalka iyo sheekada gaaban oo ah kuwa ugu caansan qormooyinka malaawaalka ah, waxay wadaagaan tilmaamo dhawr ah, kuwa kalana way ku kala geddisan yihiin; labaduba waxay soo bandhigayaan sheeko mala-awaal ah oo ka afcelinaysa waayo-aragnimo nololeed. Ujeeddada labadaba loo curiyaa waa madaddaalo, tusaalayn, waano, farqiga ugu weyn ee noofalka iyo sheekada gaabani, waxay ka yimaadeen xagga dhererka iyo dhismaha afkaarta qoraalkaas. Dadka qaarkood waxay u haystaan in sheekada gaabani ay tahay noofal la soo koobay oo cufan, ha yeeshee, wax u dhaw ama lagu suurayn karo ma aha. Waayoaragnimada nololeed oo noofalku soo bandhigayo waa mid baahsan oo leh dhacdooyin iska feer dhalanaya oo isgees orda oo uu akhristuhu ka dhex garan waayo dhacdada salka ah oo raadreebka yeelan doonta iyo kuwa gogol dhigga ah ilaa gabagaba danbe ee qoraalkaas. Dhacdooyinkaas isfeer orda, midiba waxay leedahay xubnaheeda (jilayaal, deggaan, duluc iyo wixi la mida) u gaar ah. Jilayaasha noofalka waxaa loogu yaboohaa tilmaamo ama sifooyin iyo camallo badan oo hoggaamiya kuwaas oo wax ku kordhiya bandhigidda iyo balballaarinta sheekada noofalka.
Haddaan dhanka sheekada gaaban u leexanno, waxay dhugmadeeda ku koobtaa hal ama dhawr jilo oo ku amar-ku-taagleeya dhacdada aan la labayn oo sheekada gaabani soo bandhigto. Waxa jilaha sheekada gaaban laga ilaashadaa tilmaamo badan oo murgin kara socodka dhacdada sheekada.
Hadal iyo dhammaan sheekada gaabani way ka caansan tahay qormooyinka kale ee suugaaneed oo male-awaalka ku abtirsada, taasoo ay keentay sahlanaanta fahamkeeda iyo dhismaheeda.