Maxaa ka dhaxeeya Luqadda iyo Fikirka ?! W/Q: Ridwaan Maxamuud.
3 min readHaddii aan is weydiino inta aynaan bilaabin qoraalkan, su’aal male ah oo odhaneysa ; haddii qofka bani’aadamka ah aanu haysan luqadda uu ku fikirayo, ma fikiri lahaa, , ? tusaale,marka aad duunkaaga ku jirto ee aad iskula hadleyso luqadaada : waad haraadan tahay , iska seexo waad daalantahee, waad jeceshahay, iwm, haddii aaney jirin luqaddaas maxaad ku fikiri lahayd, mase fikiri lahayd ?
Marka la qeyaxayo waxa ay tahay luqad ama af, waxa jiho ka eegis badan ka dib la isla gartaa in ay tahay dhawaaqyada isku xidhxidhan ama kala tagsan, iyo tilmaamaha looga gon leeyahay in la isku fahmo, lagune gudbiyo aragtiyo, afkaar , iyo dareenno , waxyaabaha ugu badan ee ay rogrogaan falaasifadu ayey ka mid tahay xidhiidhka ay la leedahay luqaddu ( afku ) fikirka , iyaga oo ay weheliyaan culimada afka ( linguists ) iyo sidoo kale aqoon yahanka kasmo-nafeedka, waxa ay ka istaagaan xidhiidhkaas luqadda iyo afka saddex mawqif , wax ay qaarkood isku sidkaan luqadda iyo fikirka oo ay ka dhaxeysiiyaan xidhiidh aan macquul aheyn in uu kala dhambalmo, sida janeeha labiisa janbi, waxa ay sidoo kale tibaaxaan in ay isku mar dhasheen fikirka iyo luqaddu , sheegaanne in aaney suuroobeyn helidda fikir haddii aanu jirin weel luqadeed oo soo gudbinayaa, sidoo kale aaney macne ka yeelaneyn joogtada afkaartaasi haddii aaney jirin luqaddaas qabaneysa ee waarineysa, xattaa marka uu qofku ku fikirayo aamusnaan ay tahay fikirkaasi ereyo badan oo uu hoos iskugu leeyahay , sidoo kalane aaney jireyn luqad haddii aanu ka dambeyn fikir macne u sameynaya oo ay cabireyso lana koreyso kolba halka uu taagan yahay fikirkaasi.
Halka ay kuwooda kale ka qabaan in ay kala saraan yihiin fikirka iyo luqaddu, waxa ay sheegaan in uu fikirku kasoo horreeyay luqadda, oo marka ay qofka afkaar u sameysmato uu u baahanayo luqad uu ku cabiro, waxa ay taas lugo uga dhigayaan in insaanku aanu awood u lahayn in uu kusoo wada gubiyo luqadda waxa uu ka fikiriyo ee maskaxdiisa ka guuxaya oo dhan, marar badane inaga oo ereyo haysana aynu ku cabirno aragtiyaheenna iyo fikirkeenna aynu arkeyno in ereyadaasi aaney sideynu rabney usoo wada gudbineyn waxa uurkeenna ku jira, marka uu ereygu istaagane aanu istaageyn fikirku oo uu qofku mar kaste hoosta kawadayo fikirka, sidaas awgeed in uu fikirku ka baac weyn yahay luqadda, luqaddune u tahay weel marmar badan aan siduu yahay usoo wada gudbin kareyn fikirka iyo xattaa dareenka nafsiga ah ee aynu dareemayno sida jaceylka iyo naceybka , sidaas awgeed marar badan la irkado wax aan aheyn luqadda ( afka ) si loogu soo gudbiyo fikirka , sida sawirada farshaxanka ah .
Qolada saddexaad waxa ay qabaan in fikirka iyo luqaddu ay wadaagaan labada xidhiidh ee horeba, in ay isku sidkan yihiin, ayne suure aheyn in uu fikirku usoo baxo joogtada haddii aaney luqaddu cabirin haba taag gaabnaatee, sidoo kale isku midne in aaney aheyn ee ay kala soocan yihiin, sidaas daraadeed xidhiidhka labadooda ka dhaxeeyaa uu yahay xidhiidh is hodmin iyo is dhammeystir .
Si kastaba, mawduuca xidhiidhka ka dhaxeeya luqadda ( afka ) iyo fikirku waa uu murgan yahay oo uu dood badan yahay, waxaana ka dhasha su’aalo badan oo marka laga tago ka so horreeyay fikirka iyo luqadda ay ku jirto sidee ayey luqadeennu u sameysaa fikirkeenna iyo hab u araga calamka, iyo asalka jiritaanka luqadaha ! Su’aalahaas iyo qaar kale oo badan oo ilaa hadda doodeedu aloosan tahay!
Dhammaad.
Ridwaan Maxamuud sheekh ( Maygaag ) .
Tixraacyada qormadan iyo mawaadiicda ka ag dhaw :
عبر منظار اللغة – عالم المعرفة
بوابة نون الالكترونية .
اللغة والعالم والفكر – محي الدين محسب .