Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Dhayalsigii Masaarida ee dhulka Soomaalida. – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Dhayalsigii Masaarida ee dhulka Soomaalida.

1 min read

Waxa jirta eed loo jeediyo masaarida oo gumeysiga ka hor dawladdii cusmaaniyiintu ay u wakiilatey qaybo ka mid ah dhulka soomaalida.

Sannadkii 1862kii waxa cusmaaniyiinta wakiil u magacawdey deegaanada soomaalida qaar, badhasaabkeedii masar u joogey oo la odhan jirey ismaaciii braahim muxamed cali.balse awooddii ismaaciil may waarin oo waxa ay muddo kadib ka baxeen ciidamadani deegaannada waqooyiga soomaalida,iyaga oon ku wareejin cidnaba,gaar ahaan aan la socodsiin odayaashii qabiillada soomaalida ama saldanadihii ka talin jirey deegaanada qaar.

Dhayalsigan ayaa yimid kadib ciidamada masaarida oo ka cabsi qabey weerarro ay Masar ku qaadaan Daraawiishtii Mahdiga Suudaan.

Baylahnimadan waxa ka faaideystey xabashida oo si fudud ula wareegtey deegaanka Herar iyo kuwo ku  dhow,kadib beylahdan ay sameeyeen ciidamadan iyo dawladda Cusmaaniyiinta oo ku jirtay xilliyadii burburka ,waxa ay arrintani keentey soo badashada damaca guumeysiga gaar ahaan midkii Ingiriiska oo ugu danbeyntii si fudud ula wareegtey dhulkii waqooyiga oo ay Cusmaaniyiintu ka talin jireen,kadib markii uu heshiisyo la galay qabiillada deegaanadan,waxaana ay guumeystayaashii Talyaaniga iyo ingiriisku heshiisyadan kala galeen muddadii u dhaxaysey 1884-1905kii.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *