Notice: Function _load_textdomain_just_in_time was called incorrectly. Translation loading for the updraftplus domain was triggered too early. This is usually an indicator for some code in the plugin or theme running too early. Translations should be loaded at the init action or later. Please see Debugging in WordPress for more information. (This message was added in version 6.7.0.) in /home/u506310550/domains/xeeldheere.com/public_html/wp-includes/functions.php on line 6114
Taariikhda Sahanka shidaalka ee dhulka Soomaalida.(Q-1aad) – Xeeldheere blog
December 23, 2024

Xeeldheere blog

Falanqayn Dhexdhexaadnimo

Taariikhda Sahanka shidaalka ee dhulka Soomaalida.(Q-1aad)

3 min read

Shidaalku waa haydaroo-karboono isku jira,taas oo malaayiin sanno ka hor ka samaysmay xayawaanno(huyuumas) ama dhir ,oo dabeetana isbaddal kiimiko ahi ku dhacay meelo dhulka guntiisa ah.

shidaalku waa saliidda dhulka hoostiisa la ga qodo ee keenta awoodda ay ku shaqeeyaan baabuurta,diyaaradaha iyo waliba mishiinnada danabka sameeya IWM. Waxa saliidda dhulka  ama  shidaalka jiyooloji ahaan laga helaa meelaha lakabyada dhulka ee laababka ah (folds) ee ku yaal deegaanno bannaano lama degaan u badan ama badda gunteeda  ah,waxana uu shidaalku kor u qaadey dhaqaalaha dawladaha laga heley oo Sucuudigu ugu badan yahay.

Sidaa darteed, hadal haynta shidaal baadhista ee dhulka soomaalida waxa ay bilaabmatay waqti fog oo ku siman qarni badhkiis,inkasta oo ay kaba horreysey,balse siyaabo badan awgeed ilaa hadda lama hayo midho dhal iyo goobo la ga soo saarey midna.

Haddaba, bal aan isku dayo in aan soo gudbiyo heshiisyadii shidaal baadhiseed ee laga bilaabay gayiga soomaalida,aniga oo ugu horreysiinaya xilligii gumeytayaashu joogeen dhulka, dawladihii rayidka ahaa, ilaa laga soo gaadho xilliyadii dawladdii milateriga ahayd,aniga oo qormada labaad ku soo gudbin doona sahan baadhista hadda ka socota dhulka soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo soomaaliya.

Sannadkii 1915-kii ayay deegaanada HERER-JIGJIGA ka bilaabantay Sahaminta shidaalka ee dhulka soomaalidu, kaas oo ay bilowdey shirkadda ANGLO-AMERICAN oo laga lahaa dalka Maraykanka,shirkaddan oo uu heshiis la saxeexatey boqor Xayle Salaasihii Itoobiya,waxayna ku beegantahay xilliyadii uu ingiriisku ku wareejiyey deegaanadaas oo ay soomaalidu hore u lahayd. iyadoo goobtan uu la wareegey talyaanigu ka dib dagaalkii 1936kii uu ku qabsadey itoobiya.

Kaddib gobonnimadii iyo curashadii jamhuuriyaddii soomaaliya(Italian somaliland&british somaliland),bilowgii dawladihii rayidka ahaa may jirin isku deyyo badan oo shidaal baadhis ah,balse dhammaadkii waqtigooda waxa sannadkii 1969kii bilaabmay heshiis ay la galeen shirkad jarmalka galbeed laga lahaa oo la odhan jirey DEUSCHI-TEXACO, taas oo Saliid ka baadhey deegaanno ka mida gobolladan, SH.hoose,SH.dhexe ,J.hoose ,galgaduud iyo waliba mudug.

Xilliyadii dawladdii kacaanka M.Siyaad barre, waa xilliyadii ay ugu rajada dhawaayeen qodista shidaalka ee dhulka soomaalidu,waxa ay dawladdani heshiisyo kala duwan la saxeexatay sharikado kala duwan,iyada oo ay barbar socotey kulliyad lagu barto barashada Aqoonta Dhulka ee jiyoolojiga (geology) oo ah aqoonta seeska u ah soosaarista saliidda dhulka iyo macdanta.

Haddaba ,Sharikadaha dawladdii kacaanka heshiisyadaa la gashey waxa ka mid ahaa kuwan soo socda:

1.ELF-SOMALIE

Waa shirkad faransiis ah oo saliidda ka sahmisey deegaannada kismaayo iyo gobolka bari(maamulka puntland hadda ah).shirkaddan waxa ruqsadda la siiyey sannadkii 1972,waana shirkaddii ugu horeysey oo 1974 gaadhay xilligii ay soo saari lahaayeen ee ceelasha la qodi lahaa.balse nasiib darro markii ay qodistu bilaabantay ay si la ma filaan ah badda xaafuun ay u kacdey,taas oo keentey in shaqadaas dib loo dhigo.

2.CONOCO SOMALIA

Waa shirkad maraykan ah,waxa ay shidaal ka sahmisey gobolladii bari,nugaal iyo mudug.waxana ruqsadda sahaminta la siiyey 1973kii.

3.BURMAH OIL SOMALIA LTD:

Waa shirkad ingiriis ah oo ruqsadda la siiyey dhammaadkii 1973kii,waxayna saliidda ka baadhey meelo ka mid ah gobollada gedo iyo bakool.

4.Sanadihii dhammaadka sideetamaadkii waxa ay dawladdani heshiisyo la gashey sharikado waaweyn,sida SHELL oo ay lahayd xukuumadda Holland, iyo sharikadda CHEVRON,waxayna shidaal baadhista ka bilaabeen deegaanno kala duwan.

 Dhanka kale deegaannada gobolladii waqooyi(hadda Somaliland ah),sahanka shidaalku nasiib darro iyadana waxa ka soo dhex galey qarxiddii dagaalladii sokeeye ee bilaabmay kaas oo meesha ka saarey shidaal baadhista.

Ugu danbayntii, weydiinta meesha taallaa waxa weeyi, sababaha ay u guuleysan waayeen sahaminahaas kala danbeeyey?,haddaba Iyada oo ay adag tahay in si toos ah looga jawaabo weydiintan ,oo u baahan baadhis dheer,ayaa haddana waxa muuqatay in ay jiraan caqabado dhanka siyaasadda ah oo cidhbiyey hano qaadka shidaal baadhistan.

tusaale ahaan duruufihii adkaa ee xilliyadii dawladdii millatariga aheyd ka jirey ,iyo waliba dawladihii rayidka ahaa oo ay dawladnimadu ku cusbeyd soomaalida, sidaas darteed shidaal baadhistani aanay midho fiican ka keenin.

Haddaba, dhulka soomaalidu waa mid jiyooloji ahaan ah mid qarfo-u eke(semi desert), kaas oo ah dhulka laga qodo badanka shidaalka dunida, oo ka sameysan dhadhaab lakabeedka(sedimentary rock)oo ah nooca dhagxaanta ay suurowdo inay dhex maraan dareerayaashu, oo ay dhex ceegaagaan saliidda caydhin (crude oil).

La soco qaybta 2-aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *